DIL KA DHACAY MAGAALADA MOGADISHU AQARSO

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay wiil dhalinyaro ah waxa ay ku dileen xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi geestay.
Sida aan Wararka ku helnay ruuxa la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysan jiray mooto bajaajta, waxaana dilka uu ka dhacay boosteejada laga raaco baabuurta ee xaafada Suuqa Xoolaha.
Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa mudo kadib gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxaana ciidamadaasi baaritaano ay sameeyeen ku guul dareesteen in ay soo qabtaan ragii dilkaasi fuliyay.
Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dadka shacabka ah iyo sidoo kale dadka u shaqeeya dowlada, waxaana inta badan sharciga ka baxsada dableyda dilalka geesata

Comments