DUQII HORE EE MOGADISHU OO KA QAYB GALAY CIYAARTII MANTA TAAGERA WAYNA UMUUJIYAY CIYAARTOOYDA QARANKA DAAWO SAWIRADA

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta magaalada Bujambuura ee caasimada dalka Burundi waxa uu qado ugu sameeyay Ciyaartowda Qaranka Soomaaliya ee 17-sano jirada.
Taabit ayaa Ciyaartowda Qaranka Somaaliya ee galabta Ciyaarta Finalka ah la ciyaaraya dalka Tanzaaniya waxa uu u sameeyay dhiiro galin iyo balan qaadyo kala duwan , waxa uuna u sheegay in taariikhda baal dahab ah ka gali doonaan hadii ay koobkan ku guuleestaan.
Duqii hore ee Muqdisho ayaa kamid ah dadka galabta daawanaya ciyaarta Fiinalaha ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya, waxa uuna halkaasi u tagay sidii uu u dhiiro galin lahaa ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya.
Taabit ayaa ah nin taageero iyo sumcad badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed, waxaana masuul markasta ka damqada dhibaatada Soomaaliyeed halka sidoo kale farxada la wadaago dadkiisa.




Comments