LA YAABKA ADUUNKA HAWEENEY SHABAKADA YOUTUBE ISKAGA UMULISAY CUNUG KALIGED AYADOO AH DAAWO SAWIRADA

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo safar ku joogtay Jarmalka ayaa fool qabatay xili ay kaligeed ku sugneyd Hotel , waxaana danta ku qasabtay haweeneydaasi sidii ay kaligeyd u dhali laheyd.
Tia Freeman ayaa markii uu kusoo batay xanuunka foosha waxa ay shidatay barta Youtube-ka ay ka fiirsatay qaabka haweenka u dhalaan, waxa ayna xiligaas kadib qaadatay tusaalooyin u horseeday in kaligeed cunuga iska dhaliso.
Waxa ay sheegtay haweeneydan in asan jirin qof ka caawisay dhalmada wiilkeeda marka laga reebo barta Youtube-ka ay ka fiirsatay sida loo dhalo iyo tilaabooyinka la qaadayo xiliga foosha.
Tia Freeman ayaa sheegtay in biyo qandac ah ka buuxisay barkadda musqusha qolka ay dagneyd, waxa ayna tilmaantay in ay soo qaadatay dhawr shukumaan, kadib ay shidatay Youtube-ka inta dhexgashay barkadda.
Haweeneydan ayaa sheegtay in shaqaalaha garoonka ay ka duuleysay maalinta ay umushay maalinta xigta ay aad ula yaabeen, waxa ayna xustay in ay uga shakiyeen in cumuga ay wadato ay soo xaday.
Shirkada Turkish Airways oo Tia kasoo qaaday Jarmalka ayaa dajisay Hotel ay mudo labo isbuuc ah umusha uga baxeyso, waxaana qarashka Hoteelka ka bixinaya Shirkada, waxaa sidoo kale haweeneydan iyo cunugeeda lagu sameeyay baaritaan caafimaad.


Baraha Bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdada haweeneydan kaligeed cunuga iska dhalisay, xaalada Cunuga iyo hooyadan dhashay ayaana dhaqaatiir baaritaan ku sameysay sheegeen in xaaladooda ay wanaagsan tahay.




Comments