LABADAN MUSHARAX OO AAD ISKUGU DHAGAN MIDEE GUULAYSAN DOONA MAANTA AQARSO

Waxaa goordhaw bilaabatay  Wareega labaad ee doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana wareegan oo ah kii ugu dambeeyay ku tartamaya labada Musharax ee kala ah Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo Ibrahim Isaaq Yarow.
Wareegan oo ah kii ugu dambeeyay doorashada ayaa ah mid adag oo xamaasad gaar ah leh, waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn halka Musharixiintii doorashada ka haray codadkooda ku taageeri doonaan.
Dad badan ayaa rumeesan in doorashada uu kusoo bixi doono Musharax Maxamed Mursal oo inta badan taageera ka heesta Xildhibaanada, waxaana Musharaxan lagu soo waramayaa in uu taageero ka helo Musharax Lafta Gareen oo tanaasulay.
Xarunta golaha Shacabka ayaa si weyn looga dareemayay olalaha uu waday Musharaxa Maxamed Mursal , waxaana daqiiqadihii ugu dabeeyay musharaxan uu kasbaday codadka Xildhibaabno badan.
Musharax Ibraahim Isaaq Yarow ayaa la rumeesan yahay in uu taageero ka helayo inta badan Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowlada, waxaa sidoo kale la tuhmayaa in Musharaxan taageero ka helayo Imaaraadka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Comments