MADAXWAYNAHA HIRSHABEELE OO SHIR JARAAID KU KORQABTAY DA DADKA KU FATAHAY MAGALADA BALADWAYNE DAAWO SAWIRADA

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in

qoysas ka badan 25 kun ay ku barakaceen daadadkii ugu danbeeyay ee ka dhuftay

magaalada Beledweyne.
Waare oo shir jaraa’id ku qabtay biyaha ku fatahay B/weyne dhexdooda ayaa

sheegay in biyaha Wabiga Shabeelle dhaafeen xadiggii caadiga ah ee uu ku fatahi

jiray, taasoo macnaheedu noqonayo in biyaha hadda ku socda magaalada yihiin

kuwo ka soo burqanaya Wabiga oo dacalada jabsaday.
“dhulkii caadiga ahaa iyo Wabigii lama kala garanayo dhibaato xoog leh ayey

bulshadu wajahayaan, in ka badan 100 Kun oo ruux ama 26 Kun oo qoys dad lagu

qiyaasay ayaa magaalada isaga baxay, badankood waxay wataan carruur, waayeel

iyo dad xannuusanaya ayuu yiri” Madaxwyne Waare.
Magaalo koronto aan laheyn, Aaladii EVC-ga aysan shaqeyneynin, sidoo kalana aan 

laga isticmaali karin lacag shil Soomaali ah, biyana ku socdaan waad garan 

kartaadhibaatada ka jirta inta ay la eg tahay ayuu yiri ‘’ Madaxweyne Waare oo 

ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti uga mahad celineyey gurmadka ay ka 

geysanayaan samatabixinta dadka biyaha ku dhax go’doonsan, isagoo dowlada 

dhexe ee Somalia iyo heyadaha caalamiga ah iyo bulshada Soomaaliyeed ugu 

baaqay iney gargaar la soo gaaraan dadka ku bara baxay fatahaadaha.





Comments