MADAXWAYNE FARMAAJO OO GARAY MAGAALADA BALADWAYNE IYO WARKI UGU DANBEYAY AQARSO


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka jirto xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fatahaadii wabiga Shabeelle.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo saraakiisha AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kormeeri doono goobihii fatahaada ka dhacday ee magaalada Beledweyn.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqan doono dadkii ku barakacay fatahaada wabiga Shabeelle ee daadsan daafaha magaalada.
In ka badan 100 kun oo qoys ayaa ka barakacay fatahaada uu wabiga Shabeelle ku sameeyay Xaafado ka tirsan Beledweyn, iyadoo magaalada ay xilligan tahay go’doon.

Comments