OLOLAHA DAROOSHADA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA OO MEEL XUN MARAYA AQARSO QODOBO MUHIIM AH

Asbuuc kadib is casilaadii Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay la magacaabay Guddi qaban-qaabo oo la filayo in ay Asbuuc kale ku dhameeyaan doorashada Gudoomiyaha .
Waxaana Hoteelada Xamar ka socda olole iyo xod-xodasho lagu raadinayo bedelkii Gudoomiye Jawaari oo kursiga baneeyay 12 kii bishaan. Laakiin ololaha sanadkan ayaa ka duwan kana qabow ololihii doorashooyinkii looga bartay Muqdisho 2012 & 2017. Sababahaan awgood;
1. Xildhibaanada Xukuumadda Nabad & Nolol iyo Xildhibaanada Mucaaradka oo wada daalay kadib loolan siyaasadeed oo soo dhex maray sanad ka badan.
2. Murashixiinta Gudoomiyaha oo ku kooban hal beel, Curfiga siyaasada 4.5 oo aan ku qornayn Dastuurka, lkn la aaminay.
3. Murashaxiinta ugu cad cad oo noqday hal dhinac ama group oo ah kuwii keenay Mooshinkii Jawaari.
4. Xukuumadda oo go’aansatay in ay dhex-dhexaad ka noqoto kadib markii ay Musharraxiintii oo dhan ay noqdeen Wasiiro ka tirsan iyo Xildhibaanno taageersan.
5. Madaxwayne Shariif Xasan oo ka daalay in uu Gudoomiyaha ka bedelo beelaha koofur galbeed, kadib markii uu isku dayay laba doorasho oo hore.
6. Xildhibaanadii Mucaaradka ahaa ee taageersanaa Jawaari oo aan keensan Musharrax, kana daalay loolanka, kuna mashquulsan dhismaha Xizbiyo ay doorasho ku galaan 2020 ka.
7. Dawlad Gobaleedyada oo aan aad u danaynayn qofka uu noqonayo Gudoomiyaha Barlamaanku markii laga reebo koofur galbeed, culays haysta iyo doorashooyin kusoo dhaw awgeed.
8. Dawladaha iyo Ururada Shisheeye oo fara gelin-toodii arrimaha dalka ay yaraatay.
9. Dadka Somaaliyeed oo ka daalay lookanka iyo tartanka siyaasadda oo jecel xasilooni iyo deganaasho siyaasadeed.
10. Beelaha Shabeelada Hoose oo jecel in tookadaan iyaga la siiyo Gudoomiyaha, kadib markii ay u sabreen lana shaqeeyeen ilaa 5 Gudoomiye oo kasoo jeeda Bay & Bakool, iyaga oo tusaale ka dhiganayo s bedelkii sanadkii hore ee Kuraasta Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.
Hadaba qodobadaas iyo kuwa kale ayaa ka dhigay tartanka kursiga Gudoomiyaha Barlamaanka mid Qabow sanadkaan. Laakiin Xildhibaanada ayaa hadal haya in ay helaan Gudoomiye; dhalin-yaro ah, fahmi kara dareenka iyo baahida dhalinyarada Barlamaanka oo gaaraya ilaa 70% , Gudoomiye Madax banaan oo aan koox laheen, leh aqoon, karti, hufnaan iyo waaya aragnimo ku filan, Midayn kara Xildhibaanada, ku hoggaamiya daacad-nimo 3 sano ee soo socota iwm.

Comments