QISO YAAB LEH NIN XABSI KASOO FAKADAY OO BURCAD AH AYAA KU FAKADAY DIYAARAD AY SAARAYD RAISUL WASAARAHA DALKIISA DAAWO SAWIRADA


Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa nin burcad ah oo kasoo baxsaday xabsi uu ku xirnaa kadibna diyaarad uu dalkiisa kaga baxsanayay kula safray haweeneyda Ra’isul Wasaaraha  ka ah dalka Iceland.
Sindri Thor Stefansson ayaa kasoo baxsaday xabsigii uu ku xirnaa, waxaana ninkan si lama filaan ah ugu safray diyaarad kusii jeeday dalka Sweden ay la socdeen wafdi ay hogaamineysay Ra’isul Wasaaraha Iceland Katrin Jakobsdottir.
Ninkan burcada ah ayaa ku eedeesnaa in uu xaday 600 oo kumbutuutar oo ah kuwa laga dhaliyo lacagta internetka ee loo yaqaan Bitcoin, waxaana Kumbuteradan qiimahooda lagu sheegay  illaa $2 milyan oo doolar.
Sida Warbaahinta Caalamka qorayaan ninkan ayaa ku safray tikid aan magaciisa aheyn, waxaana markii dambe ninkan markii uu dalka ka baxay lagu aqoonsaday kaamirooyinka garoonka uu ka duulay ku xirnaa.
Dowlada Iceland ayaa ka codsatay dalka Sweden in ay soo qabtaan ninkan burcada ah ee dalkooda soo galay, waxaana booliiska Sweden hada wadaan baadi goob ay ninkaasi ku raadinayaan.

Comments