SABABTA KA DANBEYSA SHAQAALAHA DOWLADA OO BARI LA FASAXAY AQARSO

War ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay shaqaalaha Dowladda iyo shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta berito oo ku beegan Tallaado 1-da bisha May iney tahay maalin fasax ah.
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxay ugu  hambalyeyneysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta shaqaalaha weynaha aduunka oo maalinta berito ah ku beegan 1-da bisha May ee sanadka 2018-ka.
1da May sanad walba waxaa Caalamka laga xusaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha adduunka oo ah lafdhabarka wax soo saarka iyo horumarinta koboca dhaqaalaha.
Dabbaaldegga Xuska Munaasabadda shaqaalaha dunida  1da may ee sanadkaan 2018 ee Soomaaliya waxay ku soo beegantay xilli  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo Barnaamij ballaaran oo lagu xaqiijinayo Tirada dhabta ah ee Shaqaalaha rayidka ah iyo tayadooda aqooneed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in helida tirakoobka saxda ah ee shaqaalaha dowladda ay suura galinayso xaqiijinta tirada iyo tayada shaqaalaha inta ay la egtahay iyo diyaarinno sidii ay ula falgali lahaayeen shaqaalaha aduunyadda.

Comments