TABABARAHA UGU XILIGA DHEER HORYAALKA INGIRIISKA OO SHAQADA ISKAGA TAGAYA SANADKA DHAMAADKISA AQARSO MAXA JIRA


Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka xilli ciyaareedka inuu ka tagi doono shaqada Tababarnimo ee Kooxda Arsenal, muddo 22 sano oo uu soo leyliyay.
Tababaraha Arsenal ayaa ah Tababaraha ugu waqtiga dheer ee xilligan Horyaalka Premier League, iyadoo sanadkii 1996 uu si rasmi ah u qabtay shaqada tababarnimo ee Kooxda.
Barta Twitter-ka ee Arsenal iyo Bogga Kooxda ayaa lagu shaaciyay in Arsene Wenger uu ka tagayo shaqada Tababarnimo dhamaadka xilli ciyaareedka.
Arsene Wenger oo u dhashay Faransiiska ayaa kooxda u qaaday sagaal koob, oo 3 ka mid ah uu yahay Horyaalka Premier League iyo 7 Koobka loo yaqaano FA-ga.
Xilli Ciyaareedkan iyo kii ka horeeyay Arsenal waxaa uu ahaa xilligii ugu xumaa abid, iyadoo ay guuldarooyin iyo dib u dhacyo soo wajaheen, waxaana ay haatan kaalinta 6aad kaga jiraan kala sareynta Horyaalka.
Taageerayaasha Arsenal ayaa labadii sano ee u dambeeyay ku kacsanaa, iyadoo cadaadis ku saarayay inuu iska casilo shaqada, waxaana ay xilliyada qaar garoomada u soo qaadanayeen Boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo kala duwan.


Comments