WAADHAB IMAARADKU RASMI UMA AQOONSA SOMALILAND WASIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND OO QIRTAY AQARSO


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay eedeyntii ka soo yeertay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani iyo hadalkii Wasiiru dowlaha Imaaraadka Carabta ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Somaliland.
Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku adkeystay in heshiiskii ay la galeen Imaaraadka uu ahaa mid sax ah, isla markaana uu ahaa heshiis daneed iyo mid saaxibtinimo.
“Heshiiska anaga iyo Imaaraadka Carabta waa mid daneed iyo saaxibtinimo aan wada galnay, Soomaaliya waxay la leeyihiin waa mid iyaga u gaar ah oo aan anaga na quseyn”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loo soo jeediyay ee ahaa inay Khiyaamo qaran galeen iyo in dadka laga qarxiyay heshiiska.
“Khiyaamo qaran oo la galay ma jirtp, iyo wax dad laga qariyay, heshiiskaas markii aanu galeynay Soomaaliya qeyb kama aheyn”ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Waxaa uu sheegay in heshiiska Dekeda Berbera uu horay Baarlamaanka Somaliland isagoo tifaftiran la geeyay, lagana akhriyay, lana asnixiyay, wixii intaas ka dambeeyana loo raacayo sharciga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sax tahay in Imaaraadka aanay aqoonsaneyn Somaliland, isla markaana aanay Safaarad iyo Qunsuliyad ku laheyn sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkii ka soo yeeray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Anwar Gargash ayaa xiisad ka dhaliyay Somaliland, kaddib markii uu sheegay in aanay aqoonsaneyn Somaliland, Safaarad iyo Qunsuliyad ku laheyn, sidoo kale heshiiska Berbera ay la galeen dowladii hore ee Soomaaliya.

Comments