WARARKII UGU DANBEYAY WERAR QASAARE GAYSTAY OO KA DHACAY MOGADISHU AQARSO

Kooxo hubeesan ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidanka Xasilinta ka sameesteen Xaafada Xamar Jadiid ee Degmada Warta Nabada, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro dhimasho.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in fariisin shalay ciidanka Xasilinta ka sameesteen xaafada Xamar Jadiid lagu soo weeraray bambaanooyin iyo rasaas , waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay askari katirsan ciidanka Xasilinta iyo qof shacab ah, waxaana baxsaday sida ana wararka ku helnay ragii hubeesnaa ee weerarka geestay.
Ciidamo hor leh oo katirsan Xasilinta ayaa gaaray fariisinka ciidanka ee la weeraray, waxa ayna ciidanka halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin sida dadka deegaanka ku warameen.
Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe ku yaraa weerarada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidanka dowlada, waxaana weerarkan uu imaanaya xili ciidanka Xasilinta ay fariisimo cusub ku sameesanayaan hareeraha laamiga Warshadaha.

Comments