WASIIR KU XIGEENKA WASAARADA ISGAARSIINTA IYO BOOSTADA IBRAAHIM ISAAQ YAROOW OO ISKA CALISAY XILKII SABABTA OGAAW


Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu buuxiyay shuruudii Guddiga qaban qaabada doorashada, iskana casilay xilkii Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.
Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay ayaa sheegay inuu u hoggaansamay shuruudii Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo aheyd in qof haya xil Wasiir aanu tartami karin, illaa uu iska casilo.
“Waxaa rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan iska casilay xilka Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa u gudbiyay warqadii istiqaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Ibraahim Isaaq Yarow.
Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu buuxiyo shuruudii guddiga, isla markaana la siiyay shahaadadii Musharaxnimo ee xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa bilaabay diiwaan gelinta musharaxiinta, oo socon doontaa illaa maalinta berri.
Illaa iyo hada Labo Wasiir kuxigeen oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa iska casilay, waxaana wali la sugayaa Wasiiro buuxa inay is casilaan, ka hor inta aysan is diiwaan gelin.
30-ka bishan April ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka, sida uu shaaciyay Guddiga qaban qaabada doorashada.

Comments