WAXAA BILAABANAYA IS DIIWAAN GALINTA MUSHARIXIINTA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA AQARSO

Sida ay shalay shaaciyeen guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha shacabka waxaa maanta bilaabanaya isdiiwaangelinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.
Guddiga ayaa sheegay in isdiiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso maanta oo Isniin ah taariikhdana ku beegan tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku beegan tahay 24-ka bishan April.
Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha golaha shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.
Ugu dambeyn guddiga ayaa cadeeyay in doorashadu ay dhaceyso 30-ka bishaan Abriil oo todobaadka damba ah.
Musharaxiin badan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa shaaciyey iney u taagan yihiin doorashada gudoonka golaha shacabka.

Comments