AQARSO MADAXWAYNE ADUUNKA CAAN KA AH OO KA QAYB GALAYA FILM JILITAAN

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka qeyb galay filim la jilayay oo loogu tala galay in lagu soo bandhigo mehrajaanka caanka ah ee aflaamta Cannes, ee dalka  Faransiiska lagu qabto.
Emmanuel Macron ayaa kasoo muuqanaya filim cusub oo laga jillay isbadalada ku dhacay Faransiiska tan iyo sanadkii 1968-dii, xilligaas oo uu Faransiiska ka dhacay kacaankii loogu magacdaray ardayda.
Madaxweynaha dalka Faransiiska oo xiligii uu dhalinyarada ahaa kusoo caan baxay Jiliinka ayaa hada ka qeyb qaatay jiliinka filimka lagu magacaabo La Traversée, waxa uuna Madaxweynaha filankan kasoo muuqanayaa 7-daqiiqo.
Emmanuel Macron ayaa si lama filaan ah uga soo dhax muuqanaya filimkan, waxaana Jiliyaasha Filimka qaarkood uga naxsaday Madaxweynaha in uu kamid yahay Jilayaasha filimka ka qeyb galaya.
Waxa ay noqoneysaa markii ugu horeesay Madaxweyne Faransiis ah uu ka qeyb qaato jilitaanka Filim, waxaana horey u jiray Madaxweynayaal iyo Hogaamiyaal wadamo kala duwan kasoo jeeda oo ka qeyb qaatay Jilitaanka Filimo dhoor ah.

Comments