CABDI WALI GAAS OO FASIRAY HADALKIISI AHAA MOGADISHU SOMALIYA MA AHAN AQARSO

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegay in Puntland ay ku filantahay shacabkeeda,balse haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysa ay u fasaxan tahay.
“Waxaan dadka reer Puntland kula dardaarmayaa in ay marwalba ilaashadan midnimadooda. Puntland iyadaa nagu filan,Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagays,waxaa runtii habboonan lahayd in qofkii meel kale u hanqal-taagaya in meesha uu aadayo aado”,ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in Puntland ay ku filantahay dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato”Puntland waa isku filantahay,waana isku kalsoontahay,waana isku tashanaysaa haddii Ilaahay yiraahdo”,ayuu raaciyay madaxweyne Cabdiweli Gaas.
Mar wax laga weydiiyey hadal ka soo yeeray intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka oo ahaa Muqdisho aysan Somalia aheyn, Somalia oo dhana Muqdisho kaasoo muran badan dhaliyey, dad badana siyaabo kala duwan u fasirteen ayuu yiri.
“Muqdisho keligeed Soomaaliyoo dhan maaha, Soomaaliya oo dhana Muqdisho maaha, macnaha aan ula jeeday waxay aheyd, dalku waa balaaran yahay, waana federal, waxaa imanaya deeqo iyo mashaariic badan haddii la yiraahdo Muqdisho kaliya dow maaha, waxaa loo baahan yahay dalka in loo adeego dhamaantii, laguna mashquulin caasimada kaliya” ayuu yiri C/wali Gaas.

Comments