CIIDAMADA SOMALIYA OO AMISOM KALA WAREEGAY FARIISAMAHI UGU HOREYAY AQARSO

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) oo ka qeyb galayey shirka caalamiga ah ee looga hadlayey amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Belgium-ka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay dhowaan la wareegi doonaan goobo muhiim ah oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamadda AMISOM, iyadoo talaabadaasna ay qeyb ka tahay qorshe ku meel gaar ah oo ay dowlaadda Soomaaliya u soo bandhigtay beesha caalamka.
Wasiir islow, ayaa waxaa xusay in Garoonka Stadium Muqdisho oo ay hadda ay dagan yihiin Ciidamadda AMISOM ay dhawaan la wareegi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, isla markaana lagu wareejin doono Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, si loo soo celiyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed oo ay dhalinyarado badan ay fursad ugu helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan.
”Waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada” ayuu yiri wasiir islow .Maxamed Abukar islow.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay wax lagu farxo.
Ciidamada AMISOM ee dalka sugan muddo ka badan toban sanadood ayaa la qorsheynayaa iney dalka ka baxaan si qeyb qeyb ah, iyadoo masuuliyada amniga toos loogu wareejinayo ciidamada dowladda Somalia

Comments