CUDURKA EBOLA OO MARKALE KA DILAACAY WADAN KA TIRSAN QAARADA AFRIKA DAAWO SAWIRADA

Kongada Dimuqraadiga ah ayaa ku dhawaaqday inuu cudurka Ebola ka dillaacay waqooyiga galbeed ee dalkaas.
Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegay iney cudurka ilaa iyo hadda 17 qof ay ugu dhinteen magaalada Bikoro ee gobolka Equateur.
Waxaana la hayaa ayuu yiri 21 qof oo looga shakiyey inuu cudurka hayo.
Koox takhaatiir ah oo baaritaan ku sameysay shan ka mid ah dadkaasi looga shakiyey inuu cudurka hayo ayaa lagu ogaaday inuu hayo faayraska keena cudurka Ebola.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa iyaduna sheegtay koox khubara ah iney soo dirtay ayna ku soo wajahan yihiin goobaha cudurka uu ka dillaacay si la dagaallanka cudurka la isaga kaashado baaritaanno dheeraad ahna looga sameeyo.
Tani iyo 1976 waa marki lixaad uu cudurka Eboolaha uu ka dillaaco Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo.
Cudurka Ebola ayaa la aaminsan yahay inuu si xowli ah uu u faafo dadkuna ay ka qaadaan hilibka fiidmeerta ee dalkaasi Kongo si weyn looga cuno.


Comments