DAAWO SAWIRADA AXMED MADOOBE OO LOGAL BINAYO SI AAN HORE LOO ARAG MARAYKAN AYAA LA MOODA

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maalmaahan ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa manta ku laabtay Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubabda Hoose.
Axmed Madoobe ayaa maanta Kismaayo waxaa loogu soo dhaweeyey si ka duwan sidii hore, waxaana garoonka kaga hortagay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda Juballand, waxaa markii loo soo gelbinayey magaalada kolonyoda gelbieysay mootooyin horey iyo hareerahaba ka socday taasoo aheyd wax ku cusub shacabka magaalada Kismaayo
Soo dhaweynta ayaa dadka qaarkood waxay ku tilmaameen mid dhoolatus u ah maadaama shalay Xisbi mucaarad ku ah Axmed Madoobe looga dhawaaqay Muqdisho  kaasoo uu Madax u yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Cilmooge Xersi.
Axmed Madoobe ayaa safarkiisii ugu dambeeyey waxa uu ku tegay dalka Itoobiya, waxaana uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas, wuxuuna xabsi guri ku booqday Cabdikariim Muuse Qali dhagax oo ka tirsanaa Ururka ONLF kaasoo ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya sanad ka hor una aqoonsatay argagaxiso.






Comments