DAG DAG AXMED MADOOBE OO SI CAD UGA HORYAMID DOWLADA SOMALIYA IMAARADKANE TAAGERAY AQARSO

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ka dib safar caafimaad oo uu ku aaday dalka Itoobiya ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah.
Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Booqashadii C/kariin (Qalbi-dhagax), Khilaafka Imaaraadka iyo Dowladda dhexe iyo Fatahaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka.
Mar uu ka hadlayey Axmed Madoobe khilaafka dowlada Somalia iyo imaaraadka ayuu si cad u sheegay in Maamulkiisa uu taageero ka helo  Imaaraadka Carabta, wuxuuna ku dhaliilay dowlada Somalia qaabka ay ula dhaqantay Imaaraadka, isagoo ugu baaqay inay dib uga laabato go’aankeeda.
“Arrinta khaliijka Dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmeyso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowlada Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadkaa nooga wacan.” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inuu isaga kula taliyey dowladu dhexdhexaad iney ka noqdo xiisadii Khaliijka, wuxuuna isweydiiyay sida ay xaaladu ku socoto isagoo ku eedeeyay dowlada inay Jufo la noqotay Qatar, dalalkii kalena wax kale lagu tilmaamay.
“Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga. ciidamada waxaa naga taageera Imaaraadka, Arrinta Khaliijka waxa ay dowladdu ku dhaqmeyso sax maaha” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Dowladda Maanta joogta waxaa laga sugayaa ayuu yiri marka waqtigeedu dhammaado inay qabato wixii loo xilsaaray horumarinta federaalka, taasoo uu sheegay inuu ula jeedo dalku inuu federaal yahay dalkuna u qeybsan yahay maamulada iyo dowladda Federaalka oo looga fadhiyo inay isku xiro dalka.
“Maanta waxaad aad uga xumahay in culeyska ugu badani ku dhacayo dowlad Goboleedyada, dakhliguna aad u yar yahay na soo gala, dalkana ay dowlad dhexe ka jirto oo wixii soo gala aysan iyaga soo dhaafin” ayuu yiri Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay curyaamisay dowlad goboleedyadii dhaqaale ahaan.
Wuxuu cambaareeyay hab dhaqanka dowladda oo sheegay inuu noqday in mar waliba la abuuro xiisad oo maalin waliba ay mid rido, mid kale ay keento, wuxuuna uga digay inay mar waliba dowladu abuurto xiisad siyaasadeed oo dib u dhac ku keeneysa horumarkii la gaari lahaa.
Wuxuu kaloo dowladda Soomaaliya ku daliilay inaysan maamulkiisa la soo xiriirin markii Guddi ka socda ay tageen Baardheere, kuna haboobeyd inay Guriga ay albaabka kasoo galaan ee aysan daaqada ka soo gelin.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aaday xili uu dhowaan safar ku tegay dalka Imaaraadka iyadoo ay jireen warar soo baxay oo sheegayey inuu la galay heshiis ku saabsan sidii uu uga hor iman lahaa dowlada Somalia, isagoo ku bedelanaya dhaqaale iyo mashaariic laga fulinayo Kismaayo.
Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya uu kala soo hadlay sidii xoriyadiisa uu dib ugu heli lahaa Sarkaalka ONLF, C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), wuxuuna tilmaamay xaalada Qalbi-dhagax in ay tahay mid wanaagsan oo aanay jirin wax dhib ah oo heysta wuxuuna xusay in dhowaan la sii deynayo arintiisana ay heer gebogebo ah mareyso.
Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dhinaca kale shacabka ka dalbaday inay u gurmadaan dadka uu saameeyay fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba “Fatahaada iyo dhibaatada dhaceysa waa musiibo Qaran, Dowladda dhexe waxaa saaran masuuliyad oo ah in ay ka gurmato dhibaatada jirta, waan u mahadcelinayaa Guddigii shalay yimid ee kormeerka sameeyay.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Comments