DAG DAG AXMED MADOODE OO QALBI DHAGAX KU BOOQDAY XABSI KUYAALA ADIS ABABA ITOOBIYA DAAWO SAWIRADA

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xabsiga uu ku xiranyahay ee magaalada Addis Ababa ku booqdey Cabdikariim muuse Qalbidhagax
Madaxweyne Axmed ayaa dowlada Itoobiya kala hadley sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa Qalbdi dhagax sida lagu qoray bogga oo Axmed madoobe ku leeyahay facebook.
Qalbi dhagax oo ka tirsanaa saraakiisha ururka ONLF ayay Dowladda federaalka Soomaaliya 10 bilood ka hor u gacan galisey dowlada Itoobiya.
Qalbi dhagax oo laga qabtay magaalada Gaalkacyo  oo uu degenaa ayaa gacan gelintiisa waxay abuurtay caro badan oo dhaawacday taageerada madaxda dowlada.
Jabhadda ONLF ayaa dhowaan sheegtay in Itoobiya ay shuruud ku xirtay in la sii daayo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ku jira xabsi guri.
Qalbi dhagax ayaa ku jiray  xaalad degenaan ah, mana jirin wax dhibaato ah oo ka muuqatay inkastoo uusan xoriyad heysanin, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dowlada Somalia ay kala hadashay Itoobiya iney si wanaagsan ula dhaqanto qalbi dhagax, wax dhibaato ahna aan loo geysan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qalbi dhagax uu ku jiro maxaabiis siyaasadeed oo dhowaan la filayo iney ooda ka qaado dowlada Itoobiya.


Comments