DAG DAG CIIDAMO KA GOOSTAY PUTLAND OO KU BIIRAY SOOMAALILAND DAAWO SAWIRADA

Maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta usoo bandhigay ciidamo badan iyo hubkooda oo isku soo dhiibay, kuwaa oo la sheegay in ay kasoo goosteen dhinaca maamul goboleedka Puntland .
Ciidamadan ku biiray Somaliland oo gaaraya 130-askari ayaa markii hore katirsanaa maamulkii Khaatumo, hasa ahaatee markii maamulkaasi labo dhinac u kala jabay ayey ku biireen dhinaca Puntland sida uu sheegay Wasiirka Amniga Khaatumo  Keyse Cabdi Yuusuf.
Ciidankan kasoo goostay Puntland ayaa lagu soo bandhigay Deegaanka Widhwidh, waxaana goobta lagu soo bandhigayay ciidankan ku sugnaa Masuuliyiin katirsan Khaatumo, Waxgarad iyo saraakiil katirsan Milatariga Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Somaliland ee Aaga deegaanka Widhwidh G/Sare Cabdilaahi Dheere ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan ciidankan kasoo goostay dhinaca Puntland, waxa uuna sheegay in ciidankan kamid yihiin hada kadib Milatariga Somaliland.
Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin ciidankan la sheegay in ay ka goosteen kuna biireen dhinaca Somaliland, waxa uuna warkan kusoo aadaya xili Puntland dhawaan iyana soo bandhigeen ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen Somaliland




.

Comments