DAG DAG MADAXWAYNA YASHA HIRSHABEELE IYO JUBLANAD AXMED MADOOBE IYO AWAARE OO GARAY BAYDHABA DAAWO SAWIRADA


Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabelle.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo maamulkaasi katirsan ayaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare.
Waxaa sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa in magaalada Baydhabo gaaraan Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyada dalka ayaa shir uga furmayaa magaalada Baydhabo, waxaana shirkan looga hadli doonaa arimo xasaasi ah ay kamid tahay Khilaafka Imaaraadka iyo Dowlada Federaalka



Comments