DAG DAG PUTLAND OO SHEGTAY IN IMAARADKU FUDUDEEYNAAYO FIISAHA DAL KUGALKA IYO DAGANAASHAHA IMAARADKA AQARSO


Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabta uu Umadda Soomaaliyeed u fududeeyo arrimaha socdaalka dal ku galka iyo degegaanshaha, kaddib war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
War saxaafadeedka ayaa looga mahad celiyay Imaaraadka Carabta tallaabadan, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen mugdi ku aadan degenaanshaha Soomaalida, arrimo xiriira khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Puntland ayaa sheegtay in arrintan ay sii xoojineyso xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhowaan Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu booqasho ku tagay magaalada Abu Dhabi, iyadoo muuqato in Imaaraadka uu si toos ula macaamilayo maamul goboleedyada, halka dowladda Federaalka aanu xiriirkooda wanaagsaneyn.

Comments