DAG DAG RAISUL WASAARE KHEYRE OO U ANBA BAXAY QARADA YURUB MAXUU KA DOONAY AQARSO


Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Brusells eedalka Biljam.
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Biljamka waxa uu uga qeybgeli doonaa shir looga hadlayo dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidoo amniga dalka ay kala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.
Waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey dalalka deeqda bixiya, waxaana la filayaa iney ka soo baxaan go’aano ku saabsan sidii loo tayeyn lahaa ciidamada xoogga dalka si ay amaanka dalka gacanta ugu dhigaan.
Kheyre ayaa ka hor safarkiisa Biljamka waxaa garoonka Aadan-Cadde ku soo dhoweeyay Ciyaartoyda Xulka 17-jirada Soomaaliya ee dalka Burundi uga qeyb galay tartanka Bariga & Bartamaha Afrika.

Comments