DAG DAG SHIRKII MAAMUL GOBOLED YADA OO MANTA KA FURMAYA MAGALADA BAYDHABA AQARSO WARKI UGU DANBEYAY

Waxaa la filayaa maanta in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka furmo shirkii labaad ay isugu imaanayaan Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya shanta Madaxweyne ee maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana shirkan ka furmaya magaalada Baydhabo dhacayaa xili ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay Khilaafka wadamada Khaliijka.
Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa in shirka ay maanta yeelanayaan uga hadlaan Xiisada ka dhalatay Khilaafka wadamada Khaliijka gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlada Imaaraadka Carabta.
Xubnahan ku shiraya magaalada Baydhabo ayaa horey u taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxa ayna kasoo horjeesteen go’aankii dowlada Federaalka kula safatay dalka Qatar.
Sida aan wararka ku heleyno Shirkan ayaa gabo gabadiisa laga soo saari doonaa Qodobo ka dhan ah Go’aanka dowlada Federaalka ka qaatay Khilaafka Khaliijka, waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxdan ay cadaadis saaraan dowlada Federaalka.
Shirkan maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xili khilaaf uu ka dhax jiro dowlada Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada, waxaa sidoo kale shirkan imaanayaa xili Madaxweyne Farmaajo joogo dalka Qatar.

Comments