DHOWR GANTAAL OO CAWA LAGU WEERARAY DALKA SUCUUDIGA AQARSO

Dhowr Gantaal ayaa lagu weeraray caawa Magaalada Najran ee ku taalla koonfurta wadanka Sacuudiga.
Ugu yaraan labo Gantaal oo ay soo rideen kooxda Xuuthiyiinta shiicada ah ee dalka Yeman ayaa la sheegay inay ka hortageen difaacyada Sacuudiga iyagoo ku burburiyey hawada.
Shacabka Magaalada Najran ayaa sheegay iney maqleen qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya daafaha magaaladaas.
Ma jiraan illaa hadda wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalahan lagu weeraray Magaalada Najran.
Kooxda Xuuthiyiinta ee taageerada ka hesha Iran ayaa sheegtay iney gantaalahan la beegsatay xarumaha dhaqaalaha sacuudiga ee magaalada Najran, waxayna kooxdan horey weeraro kan la mid ah ugu qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga.
Sidoo kale, subaxnimadii saaka dayuurad aan duuliye laheyn ayey ciidamada Sacuudiga ku soo rideen agagaarka Garoonka Dayuuradaha magaalada Abha oo ku taalla koonfurta Sacuudiga.

Comments