IMISA WASIIR IYO XILALKALE AYAA LA FILAYAA IN KHEYRE DHAWAAN KU DHAWAAQO AQARSO

Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana doorashada kusoo baxay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Dowlada waxaa hada ka banaan xilal badan oo la filayo in maalmaha soo aadan la magacaabo, Xukuumada Soomaaliya kaliya waxaa  ka banaan ku dhawaad 10-Wasiir oo isugu jira Wasiiro, Kuxigeeno iyo Wasiiru Dowle.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya wadatashi kadib uu magacaabo Wasiirada Xukuumadiisa ka banaan oo inta badan leedahay Beesha Digil iyo Mirifle.
Musharaxiintii Gudoomiyaha golaha Shacabka qaarkoodna horey Wasiirnimada isaga casilay ayaa la filayaa in mar kale Xukuumada boos ka helaan, waxaana xubnahan qaarkood heestaan balan qaadyo ay ku kalsoonaan karaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay magacawodo Safiiro dhoor wadan u fadhiisan doona, waxaana Safaaradaha qaar hada ka sii shaqeeya ku simayaal , waxaana horey dhoor mar u fashilmay qorshe safiiro lagu magacaabi lahaa.
Waxaa sidoo kale la filayaa in dhawaan Wasaarada Arimaha Gudaha ay xil ka qaadis ku sameyso inta badan Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo u badan kuwa fashilmay shaqadii loo igmaday.
Inta badan xilalkan ay magacaabeyso dowlada Soomaaliya ayaa lagu qancin doonaa Xildhibaano iyo xubno kale oo balan qaadyo loo sameeyay intii ay socdeen mooshinkii meesha looga saaray Jawaari iyo doorashadii shalay lagu doortay Gudoomiye Mursal.
Xildhibaano badan ayaa loo balan qaaday in xilal laga siin doono Hay’adaha dowlada, halka Xildhibaano kalana intii ay socdeen ololihii Mooshinka iyo Midii Doorashada Gudoomiyaha la siiyay dhaqaalo  badan oo ay cododkooda ku badasheen.

Comments