MADAXWAYNE FARMAAJO OO BOOQDAY DAGMADII UU KU DHASHAY DAAWO SAWIRADA

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booqday Degmada Waaberi halkaasoo ay ka socotoy dardargelinta hawlaha dariseynta Gobolka Banaadir.
Farmaajo ayaa halkaasi ku daah-furay Barnaamijka Dariseynta oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta Nabad-galyada & daadejinta adeegyada Bulshada gobolka Banaadir.
Madaxweynaha dalka ayaa kula dardaarmay shacabka degmada Waaberi inay Nabadda ilaashadaan, kalana shaqeeyaana laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka sidii loo sugi lahaa Amniga, loona baahin lahaa adeegyada bulshada ee ay shacabka degmadu doonayaan.
Munasaabadda lagu daahfurayay Barnaamijkan Dariseynta Waxaa joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yarisow iyo Mas’uuliyiin kale.




Comments