MADAXWAYNE FARMAAJO OO MANTA U DHOOFAY DALKA QADAR ASAGA OO LABA MAALIN KU MAQNAANAYA AQARSO

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Doha ee Caasimada dalka Qatar.
Farmaajo ayaa casuumad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar, waxaana la filayaa in uu dalkaasi joogo mudo labo cisho ah, isagoona kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda dalkaasi.
Sida aan Wararka ku heleyno Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kala saxiixdaan mashaariic badan oo ku baxeyso Malaayiin Dollar oo dowlada Qatar ka fulineyso Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo booqashada uu ku tagayo dalka Qatar ayaa kusoo aadaya xili uu meel xun marayo Xiriirka Soomaalia kala dhaxeeya Imaaraadka, waxaana khilaafkan uu ka dhashay go’aankii Soomaaliya ula safatay dowlada Qatar.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhankeeda wada taageero ay siineyso Madaxda maamul goboleedada dalka, si ay dowlada ugu cadaadiyaan in ay ka laabato go’aanka dhax dhaxaadnimada lana safato Isbaheysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Qatar ayaa hada dooneysa in saameyn muuqato ku yeelato Soomaaliya , waxa ayna Qatar dhawaan balan qaaday in ay dhisi doonto wadooyinka isku xira Muqdisho Afgooye iyo Muqdisho Balcad.

Comments