MARAYKA OO SAFAARADIISA ISRAAIL MANTA KA FURAYA QUDUS IYO CALAAMKA OO KA WALAACSAN

Mareykanka ayaa maanta Safaaradii uu ku lahaa Magaalada Talabiib waxa uu u soo guurinayaa Magaalada Barakeysan ee Qudus waxaana arintan amaanay Ra’isul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu waxaana cambaareeyay oo ka soo horjeestay dadka Falastiiniyiinta kuwaa oo isku diyaarinaya dibad baxayo wa weyn.
Saraakiil Mareykan ayaa ka qeyb gali doona xafaldda lagu furayo safaaradda, waxaana kamid ah Donald Trump gabadhiisa  ivanka trump iyo seygeeda Jared Kushner oo sidoo kale ah la taliyaha Trump.
Go’aanka  Trump ayaa aad kaga careesiiyay bulshada reer Falastiin iyo inta badan dunida islaamka waxaana falastiiniyiintu bariga Qudus u aamin sanyihiin in ay tahay Caasimadda Falastiin.
Dhamaan ergooyinka saraakiisha Midowga Yurub kama qeyb gali doonaan duulaanka uu Trump ku qaaday bulshada falastiiniyiinta.
Yahuudda ayaa la wareegtay bariga Qudus sanadii 1967-kii intii uu socday dagaalkii bariga dhexe, waxaana furitaanka safaaradda lagu soo aadiyay sanadguuradii 70 ee Maamulka Yahuuda ugu dabaal dagayo dhulka falastiinyiinta.
Midowga Yurub ayaa arintan horay ugu walaacsanaa mana ka qeyb gali doonaan saraakiishooda ku sugan Israel xafladda lagu wareejinayo safaaradda Mareykanka.
Siwalboo ay ahaato diploomaasiyiin taageersan Mareykanka ayaa ka qeyb gali doonaa waxaana ka mid ah mas’uuliyiin ka socota dalalka Hungary, Romania iyo jamuuriyadda Czech.
Madaxda wadamada Guatemala iyo Paraguay ayaa sidoo kale ka qeyb galaya, oo ah dalal kaliya ee si rasmi ah u taageeray go’aankii Trump uu ku dhawaaqay kal hore.
 Ra’isul wasaaraha yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa ka codsaday dhamaan dalalka in ay safaaradahooda u soo wareejiyaan Magaalada Barakeesan ee Qudus.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa ku qeexay go’aanka Trump “burburinta qarniga”
Dhanka kale Hogaamiyaha Ururka Al-Qacida Ayman Al-Dawaahiri oo soo duubay muuqaal shan daqiiqo ah ayaa waxa uu ciwaan kaga dhigay ( Talabiib lafahanteedu waa dhulka Muslimiinta” waxaana uu wadamada Islaamka ugu baaqay in ay qaadaan jihaan ka dhan ah Mareykanka
Waxa uu sheegay in Osma Bin Laden uu horay ugu dhawaaqay inuu Mareykanka uu yahay cadowga Muslimiinta waxaana uu ku dhaartay in Mareykanka uusan heli doonin nabad galyo ilaa ay kabaxaan dhulka Shacabka reer Falastiin.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Donald Trump uu muujiyay wajigiisa dhabta ah ee ku aadan duulaanka casriga ah , isagoo aan gaban laakiin waxa uu Ayman Al-dawaahiri sheegay in ay isaga caabinayaan jihad iyo ka hortagis.
Waxa uu Ayman sheegay in wadamada Islaamka ay ku guul dareesteen in ay ka turjumaan danaha Muslimiinta iyagoo ku biiray Qaramada Midoobay  kuwaa oo aqoonsan Israel waxaana uu xusay in ay  dhinac mareen sharciga Islaamka sida uu sheegay Ayman al-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Ururka Al-qacida oo Muqaal soo duubay.

Comments