MARAYKANKA OO KA HADLAY HOWGALKII BARIIRE EE DADKA BADAN KU DHINTEEN AQARSO

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika  ayaa looga hadlay howlgal habeen hore Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay taageerayeen Ciidamo Mareykan ah ka fuliyeen deegaan kuyaala Duleedka Bariire.
Howlgalkan ayaa intii uu socday la sheegay in ciidamada huwanta ah ay ku dileen shan qof oo shacab ah halka tiro kalana ay ku dhaawaceen, waxaana meydadka dadka la dilay la keenay magaalada Muqdisho.
Qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika  ayaa lagu sheegay in ciidankooda iyaga oo caawin iyo talooyin siinaya ciidanka Soomaaliya howlgalo ka sameeyeen deegaan kuyaala Shabeelaha Hoose.
Waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka in ay qiimeyn ku sameenayaan wararka soo baxaya ee sheegaya in howlgalkaasi lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah.
Taliska Ciidamada Maraykanka ayaa  sheegay in dib u eegayo warbixinada uu helayo isaga oo tixgalinaya warbixinada uu ka helayo qeyb sedexaad, waxaana talisku sheegay hadii ay run noqoto in shacab dhib soo gaaray tilaabo uu qaadi doono.
“Waxaan ka warhaynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
Warkan kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili howlgal ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ka fuliyeen Shabeelaha Hoose la sheegay in lagu dilay dad shacab ah halka ay dowladu sheegtay in howlgalkaasi Shabaab lagu dilay.

Comments