NINKII QOSKIISA KULAYAY MAGALADA MOGADISHU OO FAAH FAAHIN LAGA HELAY AQARSO

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dhacdo xanuun badan oo ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ka dib markii nin hubeysan uu laayay qoyskiisa xubno ka tirsan oo ka kooban afar qof.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Caddaan oo qiyaastii 25 jir ahaa ayaa ugu dambeyn madaxa iska toogtay markii uu laayey qoyskiisa sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen halkaasoo uu isagiina ku geeriyooday.
Dadka uu dilay ninkan ayaa isugu jiray saddex walaalihiis ah oo gabar ay ku jirtay iyo Xaaskiisa oo uur laheyd, waxaana lagu kala magacaabi jiray Xaawo Maxamuud Caddaan oo aheyd Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ahaa walaalihiis la Ilmo adeer ahaa iyo Xaliimo Xuseen Cali Kowshe oo aheyd Xaaskiisa.
Ninkan oo dilalka uu geystay u adeegsaday qori Ak-47 ah oo guriga u yiilay ayaa la sheegay inta uusan dilka bilaabin ka hor inuu qol ka tirsan guriga ku soo xiray gabar 11 jir ah oo isaga la dhalatay, mana cadda sababta uu gabadhaas u badbaadiyey qoyskiisa intiisa kalena u laayey.
C/qaadir Kaarib oo ka tirsan ehelada ninkan ayaa sheegay in illaa hadda ay la yaaban yihiin, cid sheegi kartana aysan jirin sababta uu ninkan falkan u geystay, wuxuuna xusay inuu ahaa qof maskax ahaan fayow oo ka tirsanaa shaqaale ka xoogsada goob kaawada laga qodo oo ku taalla degmada Wadajir.
Waxaa sidoo kale uu xusay ineysan xitaa jirin khilaaf ama xitaa sabab kale oo ay tuhmayaan iney ku xambaartay ninkan falka uu ku laayey qoyskiisa.
Ninka wax dilay hooyadiis ayaa iyana si kooban warbaahinta ugu sheegtay iyadoo murugsan in wiilkeeda uu maskax ahaan fayoobaa balse uu xalay mar ka cowday xanuun aan badneyn oo ka soo wajahay beerka, waxayna xustay in markii uu falkan geysanayey ay iyadu ku maqneyd suuqa ayna ka doontay adeeg loogu talo galay iney caawa Quraan ku saarto wilkeeda xanuunka uu sheeganayey awgeed.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wadajir iyo ciidamada Booliska ayaa gaaray guriga uu falkan ka dhacay oo ku yaalla agagaarka Ex-Warshadii sifeynta batroolka ee degmada Wadajir, iyagoo halkaas ka wada baaritaano ay ku ogaanayaan sababta keentay falkan xanuunka badan.
Inkastoo magaalada Muqdisho ay ka dhacaan mar kasta dilal, haddana loogama baranin dhacdooyinka noocan ah oo inta badan laga maqlo dalalka reer galbeedka iyo kuwa aan muslimka aheyn.

Comments