RAISUL WASAARE KHEYRE OO XALAY SAQDII DHEXE DHEX WAREEGAYA MOGADISHU SHACANBA LA SHEKEYSTAY DAAWO SAWIRADA
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaal ciidan ayaa xalay saqdii dhaxe kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah Muqdisho.
Xasan Kheyre iyo xubnaha la socday ayaa kormeerkooda ugu kuurgalayay xaalada amni ee magaalada iyo sida Ciidamada amaanka heeganka ugu yihiin sugitaanka amaanka Caasimada.
Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo Kormeerka kadib Warbaahina la hadlay ayaa sheegay in ay u kuurgalayeen xaalada amaanka ee magaalada sidoo kale qiimeyn ku sameenayeen sida ciidamada u howl galayaan.
“Kormeerka shaqo waxuu ahaa in aan u koor galno Nabadgalyada magaalada muqdisho, waxaana ka bilownay dhanka Madaxtooyo ilaa waxaan sii tagnay Deyniile kor ayaan u sii dhaafnay ilaa Tareedisho ,waxaan ka sii aadnay ilaa Jasiira Kaxada meelahaas dhan ayaan kormeer Ku sameynay”ayuu yiri Wasiir Ducaale
Wasiir Ducaale ayaa sheegay hadafkoodu ahaa in ciidanka heeganka ku jira la qeybsadaan qabowga iyo duruufaha kale ay ku jiraan una sameeyaan dhiiro galin , waxa uuna cadeeyay in mar walbo diyaar u yihiin in habeen iyo maalin shacabka u shaqeeyaan.
“Hadafka waxuu ahaa in Ciidamada aan la qeyb sano qabowga, Maadaama aan nahay Mas’uuliyiinta Qaranka sidaas ayuu R/wasaaraha nagu horkacayaa, marka shacabka Soomaaliyeed waxay ogaanayaan in har iyo habeen aan u taaganahay, hadda Waa Sedexdii Habeennimo Salaadda Subax ayaa dhalan rabto waxaana joognaa ilaa iyo Magaalada daafaheeda oo aan Kormeer ku soo marnay, Amniga magaalada wuu sugnaa” ayuu yiri Wasiir Maxamed abuukar Islow Ducaale.
Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa dhoor mar la arkayay isaga oo xili habeen ah booqanaya qaar kamid ah Degmooinka gobolka Banaadir si uu usoo arko sida ciidamada u sugaaan amaanka caasimada.
Comments
Post a Comment