WARARKI UGU DANBEYAY MADAXDA MAMUL GOBOLED YADA OO SHIR CULUS KU YEELANAYA MAGALADA BAYDHABA AQARSO

Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa la filayaa in shir xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana shirkan looga hadli doonaa arimo kala duwan oo siyaasadeed.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo si uu usoo dhaweeyo Madaxda maamul goboleedyada ee kusoo wajahan magaaladaasi.
Shirkan ay yeelanayaan Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyada ayaa diirada lagu saari doonaa arimo badan ay ugu muhiimsan tahay xiisada ka dhalatay khilaafka Khaliijka gaar ahaan xiisada ka dhax aloosan Imaaraadka iyo Dowlada Federaalka.
Sida aan wararka ku heleyno Shirkan waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbalanbd, waxaana wali la ogeyn in shirkan iyana ka qeyb gali doonaan Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.
Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxa ayna kulamo shirka Baydhabo looga hadlayay la yeesheen qaar kamid ah Madaxda dalka.
Waxaa suurto gal ah in labadan maamul goboleed qaadacaan shirka ka dhacaya magaalada Baydhabo si loo fashiliyo, dowlada Soomaaliya ayaana wada dadaalo ay ku dooneyso sidii shirkaasi loo baajin lahaa.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo dhawaan kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta ayaa weerar afka ah ku qaaday dowlada Federaalka, waxa ayna Madaxda dowlada ku eedeeyeen in ay la safteen dowlada Qatar.
Shirkan la filayo in uu ka dhaco magaalada Baydhabo ayaa ah mid cadaadis lagu saarayo dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana suurto gal ah hadii shirkaasi qabsoomo in Madaxda maamul goboleedyada mar kale taageeraan Isbaheysa Imaaraadka.
Dowlada Imaaradaka Carabta ayaa u balan qaaday qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada fulinta mashaariic kala duwan iyo dhaqaalo ay ku taageerayaan , waxaana Madaxda maamul goboleedyada laga codsaday in dowlada Federaalka cadaadis saaraan.

Comments