WARSHIIIKH OO ISKU BADASHAY XARUN DALXIIS IYO SAWIRADA QURUX BADAN OO LAGA SOQADAY DAAWO SAWIRADA

Degmada Warshiikh waxay ka mid tahay Dagmooyinka Goblka Shabeelaha Dhaxe waxay dhacdaa dhul ahaan Koonfur Bari gobolka Sh/dhexe, Waxay taariikh ahaan degmada caan ku tahay faafinta diinta Islaamk.
Ka hor xornimadii Soomaaliya, Degmada Warshiikh waxay fariisin waxayna sidoo kale fariisin military u aheyd gumeystihii talyaaniga oo maamulayay inta badan gobolada koonfureed.
Waxay xuduud la leedahay Magaalada Muqdisho dhanka woqooyi Bari ee Xeebta dheer ee Badweynta Hinidya laga bilaabo degaanka Ceel Cade ilaa degaanka Bashaqle.
degamada Warshiikh waxaa hoos taga illaa 45 Tuulo. dadka ku dhaqan lagama hayo tirakoob rasmi ah balse waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 65,000 oo qof.
Degmada Warshiikh waxay ka mid tahay degmooyinka Alle ku galadeystay Kheyraadka Kala duwan sida xoolaha Nool, Khayraadka Badda, wax soo saarka Beeraha iyo quruxda dabiiciga ee xeebaha oo ku wanaagsan dalxiiska  taasoo ka dhigaysa Dagmada mid leh fursado Dhaqaale iyo wax soo saar hadii si dhab ah looga faaiideysto.


Hoos ka daawo sawiro cajiib ah oo laga soo qaaday maalmihii la soo dhaafay degmada Warshiikh.







Comments