Arin xanuun badan Wiil Aroos ahaa Xabsi sharci daro ugu xiran




Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa 15-kii bishii May xabsi dhigay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sanno jir, kadib markii la sheegay in lagu tuhunsan yahay bixinta qishka imtixaanka Class-ka 12aad ee dugsiga Sare oo ay qaadeysay dowladda Soomaaliya.
Jamaaludiin oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa xabsi ku jira muddo ka badan 20 cesho ilaa hadana ma jirto xukun Maxkamadeed oo ku dhacay iyadoo loo waayay cadeymo ku aadan kiiskii lagu soo eedeeyay.
Caasimada Online ayaa baaritaan dheer oo ay sameysay ku ogaatay qaladaad badan oo ay gashay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Booliska Soomaaliya taas oo xadgudub ku dhageyso sii xirnaanshiyaha Jamaaludiin Xasan Xirsi.
Saddexda qalad ee ka dhacay Wasaaradda iyo Booliiska Soomaaliya kuwaas oo ka dhan Muwaadin Jamaaludiin Xasan Xirsi ayaa kala ah:-
  1. Marka waxaa qalad aheyd in Jamaaludiin Xasan loo wakiisho shaqo mas’uuliyad weyn u baahan sababtoo ah Jamaaludiin ma’an shaqaale dowladeed oo rasmi ah waa shaqaale KMG ah. Sida ku xeerka shaqaalaha Rayidka Soomaaliya qofka mar hadii uusan aheyn shaqaale Rayid ah ama mas’uul xil haaya waxaa ka mamnuuc ah in lagu aamino arin masiiri ah iyo in loogu shaqeeyo waqti dhameestiran (Full Time). Xeerka shaqaalaha waxa uu dhigayaa in dadkaas ay yihiin shaqaale KMG ah Caawiyaal waqti go’aan looga baahan yahay in ay shaqeeyaan.
  2. Jamaaludiin Xasan waxa uu si KMG ah u joogaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya wax ka badan 5 sano waxaana gadaashiis la shaqaleysiiyay boqolaal shaqaale cusub isagana waxaa looga reebay qabiil iyo wax isdaba marin waana qaladka labaad oo ay gashay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
  3. Hadii imtixaanka qal qal ka yimid maxaa loo xiray Jamaaludiin oo aan aheyn Madaxda imtixaanaadka Qaranka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda waa qaladka 3aad. Hadiiba la xiray maxaa ilaa hadda xabsi loogu haayaa Jamaaludiin waa mid kamid ah qaladaadka hey’adaha garsoorka iyo Booliiska Soomaaliya.
Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Jamaaludiin Xasan uu dhowaan galay Aroos islamarkaana aqal-galkiisa ay ka soo wareegtay wax kayar 50 cesho waxayna arintaasi uur ku taalo ku noqotay Xaaska Jamaaludiin iyo qoyskiiska.
Markii aad joogto Soomaaliya waa adag tahay in aad hesho cadaalad waxaana dhibka kuu geysanaya dowladda gaar ahaan Booliiska oo katirsan garsoorka waxaana sidoo kale u dacwooneysaa garsoorka oo qeyb ka ah hey’adaha cadaaladda waana nasiib darrada taala Soomaaliya
Muwaadin, Caruus iyo dhibane Jamaaludiin Xasan Xirsi waxa uu cadaalad ka sugayaa umadda Soomaaliyeed waana wiil dhalinyaro ah oo mugid la geliyay nolashiisa iyo nolasha qoyskiisa.

Comments