DAG DAG DOWLAD KA TIRSAN YURUB OO KA DHAWAAQDAY IN AY CELINAYSO IN KA BADAN 150 SOMALI AH AQARSO






Hey´adda Qaxootiga dalka Denmark ayaa sharciga magangalyada dib ugu celisay 59 qof soomaali ah, kuwaasoo kamid ahaa 214 qof oo cabasho ka gudbiyay go´aan ahaa inay Denmark isaga baxaan.
Hey´adda oo qof walba si gooni ah kiiskiisa u qiimeysay ayaa go´aamisay in 59-kan qof aysan amni waara ku heli karin Soomaaliya, sababo kala duwan. Sidaas darteedna loo soo celiyo sharcigii magangalyada ee lagala noqday markii hore.
154-ta qof ee ka soo hartay 214 Soomaali ah  ee cabashada gudbiyay, ayaa la siiyay taariikh kama dambeys ah oo ay dalkaas isagaga baxaan.
214 qof ee cabashada ka gudbiyay go´aanka lagu amray inay Denmark isagaga baxaan ayaa ka mid ahaa ku dhawaad 1,200 Soomaali ah oo dowlada Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo

Comments