Dag Dag Dowlada kenya oo uu soo wajahay culees aad u adag oo cusub daawo




Dowladda Kenya ayaa waxaa haatan soo wajahay walaac xoogan oo kaga yimid dhanka Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa shaaciyay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi.
Kenya ayaa hakad galisay dhammaan gaadiidkii ka imaan jiray Mandheera ee u safrayay magaalada caasimada ah ee Nairobi ,waxaana gawaaridaasi ay ku sii hakan doonaan degmada Ceel-waaq, inta ay xaaladdu ka noqoneyso mid caadi ah.
Jeremiah Ole Kasiom oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa tilmaamay in xogta ay heleen ay sheegeyso in Al-Shabaab ay damacsan yihiin in beegsadaan gawaarida dadweynaha ee isagala goosha deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu intaasi ku daray in hay’adaha ammaanku ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka hortagi doonaan weeraradaasi.
Al -Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada culus ee ay ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta ee dalka Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray Ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Comments