dag dag Galkacyo hal nin oo la dilay oo loogu aar guday 10 qof oo hal beel kasoo jeeda aqaro arin xanuun badan






Dabley Hubeysan ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug.
Dilka oo ka dhacay Gaalkacyo dhanka Galmudug waxaa geystay dabley ku hubeysan bastoolado islamarkaana rasaas la dhacay xilli uu marxuunku fadhiyay goob lagu shaaho.
Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Cali Dhiif ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Nabad suggida Galmudug.
Xoogaa kadib dilka Taliyaha ayaa waxaa meel aan sidaas uga fogeyn meesha uu dilka ka dhacay lagu dilay 10 qof oo la sheegay in loogu aargudayey taliyihii la dilay.
Wararka qaar ayaa sheegayo in dadka la dilay ay ahaayeen dad kasoo jeedo hal beel, oo lagu tuhmayo dilka Calio Dhiif oo kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-gidir, inkastoo aan weli laga helin faahfaahin dheeraad ah.
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdkariim Xuseen Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in dadka la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxayna arrintaan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.
Wixii warar ah ee kusoo kordho dilalka xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena soo socdo hadii alle yiraa 

Comments