Madaxweynaha
Maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka ka qaaday
Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa
waxaa xilka qadistaasi ka dhalatay xiisad xoogan.
Guddoomiyaha
xilka laga qaaday ayaa diiday in uu baneeyo xarunta uu ku shaqeeyo
maamulka gobolka, islamarkaana uu wareejiyo xilka, kadib markii ay u
tageen waxgarad iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ah.
Madaxweyne
Waare ayaa haatan qaatay go’aan ah in si qasab ah xilka looga qaado
guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, lana soo xiro,
iyadoona ay xusid mudan tahay in Dabageed uu wato Ciidan aad u badan oo
isaga taabacsan, kana soo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay.
Warar
kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka
tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan qorsheynayaan in
ay fara geliyaan xiisadaasi, waxaana xubnahaasi ku jiro Xildhibaano ka
soo jeedo gobolka Hiiraan.
Xil
ka qaadista Dabageed ayaa timid kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala
dhex galay isaga iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi
Waare. Waxyaabaha la isku khilaafay waxaa ka mid ahaa hanaanka loo
maareynayo Canshuurta gobolka Hiiraan.
Comments
Post a Comment