DAG DAG Ninkii waday gaarigi maanta ku qarxay Km-4 oo la soo bandhigay Daawo Sawirro

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in la qabtay isagoo dhaawacyo qaba nin la socday gaarigii labaad ee maanta ku qarxay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM4 wadada u baxda garoonka Aadan cadde.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labo Qarax ay maanta ka kala dhaceen agagaarka Taaladda Sayidka iyo meel ku dhow Hotel Afriik gaar ahaan Barta-Kontaroolka ee wadada aadda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
“Maanta waxaa Xamar ka dhacay labo Qarax oo is xig-xigay,kan koowaad wuxuu ka dhacay taalada sayidka agagaarkeeda,waxaa ku dhintay sagaal qof,waxaa ku dhaawacmay 25-Qof,Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Afrik gaar ahaan meel ku dhow barta-Kontaroolka ee wadada aada Airport-ka,waxaa ku dhintay dhagarqabihii waday gaariga halka uu  ku dhaawacmay mid kii la socday oo ciidanka Booliska ay hadda gacanta ku hayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.
Sidoo kale, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) wuxuu sheegay in labada gaari ee Qarxay ay ku raad joogeen ciidanka,islamarkaana iyagoo eryanaya ay Qarxeen,waxaana gaariga Qaraxa Ciidanka ku soo wargeliyay qof shacab ah.
Dhinaca kale telefishinka ku hadla codka dowlada Somalia ee SNTV ayaa baahiyey muuqaalo laga soo duubay darawalkii waday gaariga ku qarxay Km4 ee ay qabteen ciidamada dowlada, isagoo dhaawac ah oo lagu daweynayo isbitaalo ku yaala magaalada Muqdisho.


Comments