DAG DAG Raisul Wasaare Khayre oo qaabilay Mrs. Bintou Keita & Wafdi ay horkaceyso



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika Bintou Keita.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga.
Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha Nabad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta

Comments