DAG DAG SHACAB KASOO JEEDA KOOFUR GALBEED OO LAGU DILAY GALMUDUG BAL DAAWO



Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in dad shacab ah oo kasoo jeeda Koofur Galbeed lagu dilay duleedka magaalada.
Ku dhawaad Shan ruux aya lagu dilay deegaanka Bulacle oo dhinaca Koofureed kaga beegan magaalada Dhuusomareeb, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Wariyaasha ku sugan gobolka Galgaduud  ayaa sheegaya in dadka la dilay oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koofur Galbeed inay ku dhinteen falal la xiriira aanooyin qabiil oo maalmihii ugu dambeeyay ka jiray deegaanada Galgaduud.
Meydadka dadka Shacabka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa la sheegayaa in loo qaaday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in dadka rayidka ah ee la dilay aysan kamid aheyn labada beeleed ee maalmahaan ku dagaalamay deegaanka Bulacle.
Xiisad u dhaxeysa labo beelood oo halkaasi wada daga ayaa ka taagneyd maalmihii ugu dambeeyay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana dadkaan la sheegay inay saameysay xiisadda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan xiisadda kataagan duleedka magaalada Dhuusomareeb ee u dhaxeysa beelaha halkaasi wada daga.
Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalin ka hor dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed looga yeeray xarunta Dhuusomareeb, islamarkaana laga dalbaday inay laamaha amaanka kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga Galmudug.

Comments