Dag Dag Sir cusub Madaxda Maamul Goboleed Yada oo shir Ku yeelanaya Nairobi Aqarso



Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo kulan xasaasi ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegayo inay Maamul Goboleedyada kulan la qaadan doonaan Beesha Caalamka si ay ugu gudbiyeen mowqifkooda kama dambeysta ah ee ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo Khilaafka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono.
Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada.
Waxaa kulanka gebi ahaanba aan ka qeybgeli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen kaasoo la rumeysan yahay inuu daacad u yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in Beesha Caalamka loo gudbiyo in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 202.
Sidoo kale Maamul Goboleedyada ayaa Beesha Caalamka u sheegi rabo inay taageersan yihiin qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe.

Comments