xaaf oo meel kasta laga nacay iyo gudoomiyihii mudug oo diiday xil kaqadis uu kusameyay hada odaygu meel uu tagi karo maleh aqrso
Guddoomiyihii
Gobolka Mudug ee uu xilka ka qaaday Madaxweynaha dowlad Goboleedka
Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid xilka qaadistii
lagu sameeyay.
Cabdirashiid
Xaashi Cartan oo shir Jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in Wareegtadii
xilka looga qaaday aysan waxba ka jirin, isla markaana uusan u
hogaansami doonin.
Waxaa
uu sheegay Cabdirashiid Cartan inuu isagu weli yahay Guddoomiyaha
gobolka Mudug ee maamulka Galmudug lagana taageersan yahay halkaasi,
wuxuuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya oo aysan isku fiicneyn
Xaaf laga taageersan yahay Gobolka Mudug.
Madaxweynaha
Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu ugu baaqay inuu u diyaar
garoobo doorasho bisha soo socota ee July, wuxuuna tilmaamay in Galmudug
xiriirka ay u jartay dowladda Soomaaliya uu ku kooban yahay oo kaliya
Madaxweyne Xaaf oo sidoo kale uu ku eedeeyey inuu danahiisa gaarka ah oo
kaliya eeganayo.
Axmed
Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xilka ka qaaday
Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee maamulkiisa Cabdirashiid Xaashi Cartan,
isagoo u magacaabay xilkaas Cabdiraxmaan Cali Diiriye.
Comments
Post a Comment