Xabsi cusub oo mogadishu laga dhisay oo manta maxaabiista loo wareejiyay bal daawo sawirada


Waxaa maanta qaar kamid ah maxaabiistii ku xirneyd xabsiga dhaxe ee Xamar loo wareejiyay xabsiga cusub ee dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada ciidanka Asluubta.
Xabsiga cusub ee maxaabiista loo wareejiyay ayaa ah xabsi si casri ah loo dhisay, waxaana xabsigan nolol ahaan iyo dhinac waliba ka wanaagsan yahay xabsigii hore ee Xamar oo hada lagu xiro maxaabiista dambiyada kala duwan gasha.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga cusub ee Muqdisho ee loogu tala galay in maxaabiista lagu xiro.
Xabsigan oo dhismihiisa qarash badan ku baxday ayaa si rasmi ah xariga looga jaray sanadkii hore, waxaana xabsigan dowlada Soomaaliya sheegtay in maxaabiista ku heli doonaan dhaqan celin iyo sidoo kale waxbarasho .






Comments